Saddex jir shalay la waayey oo saaka meydkiisa laga helay degmada Hiliwaa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Saddex jir shalay la waayey oo saaka meydkiisa laga helay degmada Hiliwaa

Muqdisho – Mareeg.com: Wiil 3 sano jir ah oo shalay la waayey ayaa saaka meydkiisa laga helay xaafadda Ceeli-silig ee degmada Hililwaa ee magaalada Muqdisho.

Qof tegay goobta lasoo dhigay meydka cunugaan yar ayaa KNN u sheegay inaan la ogeyn cidda cunugaan shalay qaadatay, islamarkaana dishay.

Wuxuu sheegay qofka goobjoogaha ah in wiilku uu dhaawacyo ka qabo madaxa iyo killida, aynsa suuragl tahay in killida lagala baxay.

Goobjoogahan ayaa sheegay inuu arkay hooyada dhashay wiilkaan yar oo ku barooraneysa goobta lasoo dhigay meydka cunigeeda.

Degmada Hiliwaa ayaa ka mid ah degmooyinka ay ka dhacaan falal dambiyeedyada calculus, sida dilka dumarka iyo falal kale oo afduub ka mid yahay.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!