Mareeg.com:Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in 3 caruur ah ay shalay ku geeriyoodeen balli ku yaalla xaafadda Biyaha Shiinaha ee magaaladaas.
Saddexda caruurta ah ayaa la sheegay in halkaas loo geeyey si ay ugu damaashaadaan maadaama lagu jiro maalmaha Ciiduladxa.
Carrurta geeriyootay ee balligu liqay oo saddexduba ahaa gabdho ayaa deganaa xaafadda Geed Goble ee magaalada Hargeysa, waxaana da’doodu u kala shaxeysay 13 ilaa 15 sano.
Leyla Ibraahim oo ka mid ah ehellada gabdhaha biyuhu qaadeen ayaa warbaahinta u sheegtay in carruurt balliga galeen xilli aabahood oo waday uu dukanayey salaadda duhurka.
Meydadka Caruurta balliga ku geeriyooday ayaa la geeyey xarrunta CID ee magaalada Hargeysa, waxaana arrintaan ayaa naxdin weyn gelisay dadka ku dhaqan magaalada Hargeysa.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.