Mareeg.com: Warar laga helay ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in dowladda Sacuudi Carabiya ay ka codsaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iney u isticmaasho hawadeeda dagaalka ay kula jirto kooxda Xuuthiyiinta dalka Yemen.
Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye oo ku maalmahaan ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta oo gaari doono magaalada Riyadh, si looga wada hadlo arrinta la xiriirta adeegsadiga hawada Soomaaliya ee diyaaradaha dagaalka Sacuudiga.
Sacuudi Carabiya ayaa shalay mamnuucday in diyaarado adeegsadaan hawada Yemen, taasoo saameyn ku yeelatay diyaaradihii u kala gooshi jiray Sacuudiga iyo Soomaaliya.
Dagaalka lagu hayo Xuuthiyiinta oo Sacuudigu hormuud u yahay ayaa laga cabsi qabaa inuu ku dhawaado biyaha Soomaaliya, iyadoo maraakiib ay leeyihiin Masar iyo Pakistan ay joogaan biyaha Khaliijka Cadan.
Mareeg Media
Comments are closed.