Sacuudiga oo hakiyey duqeynta Xuuthiyiinta iyo Iran oo soo dhaweysay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sacuudiga oo hakiyey duqeynta Xuuthiyiinta iyo Iran oo soo dhaweysay

Mareeg.com: Dowlada Sucuudiga ayaa shaacisay shalay gelinkii danbe in ay soo afjartay duqeyntii dhanka cirka oo ay ku waday muddo 27 maalmood ah gobalada dalkaasi Yemen.

Afhayeenka Ciidamada Isbaheysiga Sucuudiga Gen.Axmed Casiiri ayaa sheegay in duqyenta laga gaaray qorshihii laga lahaa oo ahayd in la burburiyo hubka waaweyn oo ay heystaan kooxda Shiicada ah ee Xuuthiyiinta, wuxuuna sheegay in dowlada Sucuudiga ay sii wadi doonto hawlaha militari ee ka dhan ah Xuuthiyiinta hadii loo baahdo.

Waxay dowlada Sucuudiga sidoo kale sheegtay inay fursad siin doonto in xal siyaasadeed laga gaaro xaalada cakiran ee ka jirta wadanka Yemen.

Dhanka kale, dalka Iran ayaa ku tilmaamay go’aanka Sacuudiga uu ku joojiyay duqeymaha ka dhanka ah xuutiyiinta Yemen in ay tahay hormaar wanagsaan.

Wasiirka arrimaha Dibedda ee Iran Maxammed Javad Zarif ayaa ku baaqay in wadahadaala deg-deg ah la furo, gargaar bini’aadanimana la gaarsiiyo dalka Yemen.

Dhinaca kale Boqorka dalka Sucuudiga ayaa heegan geliyey ciidamada Difaaca Qaranka oo ah kuwa ugu tababarka fiican dalka Sucuudiga. Horey ayuu Sucuudiga ciidamada militariga caadiga ah iyo hub badan u dhigay xaduuda uu la leeyahay Yemen.

Ciidamada Difaaca Qaranka ayaa ah ciidamo ka madax banaan militariga Sucuudiga, waxayna si toos ah u hoos tagaan Boqorka, waana kuwa ugu awooda badan ciidamada dalkaasi.

Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa asbuucyadii lasoo dhaafay dhawr askari oo Sucuudi ah ku dilay xaduuda dalkaasi oo ay madaafiic kusoo tuureen, sidoo kale Sucuudiga ayaa duqeyn madaafiicda la beegsaday tuulooyinka saaran xadka Yemen.

Hogaamiyaha Xuuthiyiinta Cabdimalik Al Xuuthi oo todobaadkan markii ugu horeysay ka hadlay duqeynta ayaa sheegay inuu dagaalkan sii socon doono, isla markaana ay kooxdiisa awood ulleedahay inay iska difaacdo Sucuudiga.

Hogaamiyaha Shiicada dalka Lubnaan ee kooxda Xisbullah oo loo yaqaan Nasrullahi oo Jimcihii lasoo dhaafay isaguna ka hadlay dagaalka Yemen ayaa sheegay in Xuuthiyiinta Yemen ay guusha dhankooda raaci doonto.

Macada in hakinta duqeynta cirka ee Sucuudiga la xariirto caqabadaha Sucuudiga ka heysta dagaalka ama inay la xariirto dhanka xulafadiisa oo qaarkood sheegeen inaysan dagaal dhulka ah la geli doonin Yemen sida dalka Pakistaan oo horey loo filayey inuu ciidamo usoo diro.

Waxaa intii uu dagaalkan socday iyaguna cududooda militari sii xoogeysatay kooxda Al Qacida ee Jaziiradda Carabta, kuwaasoo la wareegtay qaar kamid ah xarumaha shidaalka laga soo saaro ee dalka Yemen, isla markaana ciidamada Yemen ka qabsaday Airporo militari ee degmada Mukalah iyo deked halkaas ku taalla.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!