Sacuudiga Oo fashiliyay Weerar Lagu Qaadi Rabay Masjidka Xaramka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sacuudiga Oo fashiliyay Weerar Lagu Qaadi Rabay Masjidka Xaramka

Ciidamada ammaanka dalka Sacuudiga ayaa fashiliyay weerar la damacsanaa lagu qaado Masjidka Xaramka ee ku yaalla Magaalada Maka,iyadoona weerarkaas loo xiray ugu yaraan 5 ruux oo ay mid ay tahay haween, sida uu baahiyay telefishinka Sacuudiga ee Al Carabiya.

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Sacuudiga Mansour Al-Turki  ayaa xaqiijiyay in la xiray ugu yaraan 5 ruux oo ku jiray shabakad qorsheyneysay weerar lagu qaadi rabay Masjidka Barakeysan ee Xaramka.

Ciidamada ammaanka waxay sheegen in weerarka ay soo abaabulen seddex unug oo laba kamid ah ay ku sugnayen magaalada Maka halka kooxda kalena ay ku sugneyd magaalada Jiddah.

Intii lagu jiray howlgalka looga hortagay weerarka qof ismiidamiye ah oo ku dhuumalesanayay guri ku yaalla Maka ayaa isqarxiyay kadib markii ay ku hareersamen ciidamada amniga 11 ruux oo ay 5 ciidan yihiin ayaa ku dhaawacmay Qaraxasi.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!