Sacuudiga: Masjid Shiico oo naftiis hure isku qarxiyey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sacuudiga: Masjid Shiico oo naftiis hure isku qarxiyey

Mareeg.com: Qof naftiis hure ah ayaa maanta xilligii salaadda jimcaha isku qarxiyey masjid ku yaalla Bariga dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kaasoo ay lahaayeen dad Shiico ah.

Sida laga soo xigtay ilo caafimaad iyo dadka deegaanka, ilaa 20 4 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay dhinteen, halka 50 kalana ay dhaawacmeen.

Sida ay sheegtay wakaaldda wararka Sacuudiga, qaraxa ayaa ka dhacay magaalada Alqadiix, ee gobolka Alqadiif, iyadoo masjidka la qarxiyey lagu magacaabo Masjidka Imaam Cali.

Fiidiyow laga soo duubay masaajidka Imam Ali, ee uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa uu muujinayaa in qeybaha jirka bani’aadamka ay daadsanaayeen goobta ay wax ka dhaceen.

Waa markii ugu horeysay oo qarax lala eegto masaajid ay leeyihiin Shiicada oo ku yaala Sacuudiga, iyada oo ay isa sii tarayso xiisada ballaaran ee ka taagan gobalka, ee u dhaxaysa Suniyiinta iyo Shiicada Muslimka ah.

Bishii November ee sanadkii hore, dabley hubeysan ayaa 8 ruux oo Shiico ah ku dilay bariga dalkaas, xilli ay xusayeen maalinta Caashuuraa.

Sacuudiga ayaa hadda hoggaaminaya weeraro dhanka cirka ah oo ka dhan ah falaagada Shiicada ee Yemen, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay taakuleyn ka helayaan Iran.

Majirto cid sheegatay weerarkan ilaa iyo hadda, waloow maleeshiyada Daacish ay soo sareen digniin ay ku sheegayaan in ay weerarayaan Shiicada ku sugan Sacuudiga.

Wararka ayaa sheegaya in ilaa 2000 oo Sacuudiyaan ah ay ku biireen Daacish, kuwaasoo qaarkood dib ugu laabteen dalka Sacuudiga, waxaana horay Daacish ugu hanjabtay iney weeraro ku qaadayaan bartilmaameedyo dalkaas ah.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!