Sacuudi Carabiya oo dalkeeda u diiday diyaarad Iran * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sacuudi Carabiya oo dalkeeda u diiday diyaarad Iran

Mareeg.com: Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa diyaarad rakaab ah oo ay Iran leedahay u diiday iney maanta oo Khamiis ah (9-4-2015) ku degto garoonka diyaaradaha magaalada Jeddah.

Wakaaladda shaqaalaha Iran ayaa xaqiijisay in Sacuudigu hawadiisa ka celiyey diyaarad sidday 250 qof oo doonayey iney cumro u tagaan halkaas.

Diyaaradda oo kasoo kacday garoonka diyaaradaha magaalada Asfahan ee dalka Iran ayaa isla magaaladaas dib ugu laabatay kadib markii Sacuudigu ka xirtay hawadiisa.

Sacuudiga ayaa dib u celinta diyaaradda Iran sabab uga dhigay iyadoo aan heysan fasax ay ka heshay hay’adda duulimaadka u qaabilsan boqortooyada Sacuudiga.

Iran ayaa dhankeeda sheegtay in diyaaraddu fulisay dhamaan shuruudaha looga baahan yahay duulimaadyada caalamiga ah, fasaxna ay heysatay.

Sacuudiga iyo Iran ayaa aad ugu loolamaya dagaalka ka taagan dalka Yemen, iyadoo Iran taageerto Xuuthiyiinta, halka Sacuudiguna taageerayo dowladda madaxweyne Cabdi Rabbuh Mansuur Haadi.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!