Sababaha loo Hakiyay Doorashada Xubnaha Aqalka Hose ee gobolada Waqooyi oo la ogaaday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sababaha loo Hakiyay Doorashada Xubnaha Aqalka Hose ee gobolada Waqooyi oo la ogaaday

Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federal ayaa sheegay inay hakiyeen doorashooyinkii aqalka hoose ee xubnaha Somaliland u matalaya, kadib markii xarunta ay ka socoto doorashadu ay dhaceen shaqaaqo iyo wax isdaba marin.

War kooban oo guddigu ku soo daabaceen boggooda twitter ayay ku sheegeen in wax doorasho ah aysan dhicin doonin ilaa laga xalinayo waxyaabaha keenay in la hakiyo.

Doorashdii maalintii jimcaha ka qabsoomtay xarunta Iskool boolisiyo ee magaaladda muqdisho ayaa la sheegay in dhibaatooyin badan ay ka dhaceen, iyadoo halkaasi lagu dooranayay Afar kursi oo ku tartamayeen murashixiin ka kala soo jeeda labo beelood oo ah beelaha somaliland dega.

Xubnaha ka mid ah guddiga doorashadda ayaa warbaahinta u sheegay in qaar ka mid ah odoyaal dhaqameedyada beelaha Somaliland la afduubay, sidoo kalena la qoray ergo cusub oo aan ahayn kuwii odoy dhaqameedyada ku jira liiska 135ta ah ay soo qoreen.

Waxay kaloo guddigu sheegeen in dad haysta shahaadadii muraxshaxnimada loo diiday inuu tartamo, waxaa kaloo ay tilmaameen in xubno ka mid ah guddiga doorashada heer federaal, Warbaahintii iyo guddiga korjoogtada doorashada laga eryay Hoolka doorashada, oo loo diiday inay la socdaan sida ay dhacayso doorashadu.

Gees kale, qaar ka mid ah ergooyinka Somaliland oo mudaharaad ay kaga cabanayaan wax isdabamarinta iyo afduubka isimadda, ayaa la xirxoray, qaarkoodna waa la garaacay, iyagoo cabasho ka keenay habdhaqanka guddiga doorashada heer Somaliland ee uu magacaabay Guddoomiyaha Barlamaanka federaalka Md Jawaari

Guddoomiyaha Guddiga doorashada heer federaalka Cumar Dhagay ayaa sheegay in go’aan ku gaareen in dib loogu laabto doorashadii jimcihii dhacdo, taasi oo lagu tilmaamay mid aan waafaqsanayn xeerka doorashadda dadban ee somalia

Gabagabadii, Xubnaha aqalka hoose ee beelaha Somaliland oo tiradoodu dhan tahay 46 kursi, ayaa ilaa hadda waxaa la doortay 19 kursi oo ay ku jiraan kuraastii jimcihii, waxaana dhiman 27 kursi oo aan weli lagu tartamin. Sidoo kale waxaa weli lagu tartamin kuraasta aqalka sare ee Barlamaanka oo doodi ka taagan tahay labo xubnood oo ka soo jeeda Sool iyo Sanaag oo la siiyay beelaha Waqooyiga ee Somaliland

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!