Daawo: Saddex libaax iyo yaxaas ku hardmay hilib maroodi

Mareeg.com: Sida auu qoray wargeyska Daily Mall ee kazoo baxa dalka Britain, waxaa 3 libaax iyo yaxaas ku dagaalameen hilibka maroodi ku geeriyoodayjiinka webi.

Saddexda libaax ayaa doonayey iney kaligood ruugaan hilibka maroodiga dhintay, hase ahaatee waxaa goobta yimid yaxaas weyn, kaasoo isna doonayey inuu qeybtiisa ka helo hilibka qaniimada ah ee laga helay jiinka webiga.

Yaxaaska ayaa usoo dhaqaaqay dhanka libaaxyada si uu hilib u helo, hase ahaate 3-da libaax ayaa kala hortegay weerar xoog leh si ay hilibka u difaacdaan.

Ugu yaraan labo wareeg oo dagaal ah ayaa dhex maray yaxaaska iyo 3-da libaax, waxaana markii dambe dagaalka ku adkaaday libaayxyada maadaama ay ka badnaayeen yaxaas-ka ooh al kaliya ahaa.

Libaaxyada 3-da ah ayaa ku guuleystay iney yaxaaska oo lagu yaqaano dagaal iyo geesinimo ay ka ceyriyaan hilibka mardoodiga weyn. Sida muuqata badida libaax ayaa keentay guusha laga helay yaxaaska.

Libaaxyada ayaa markii jebiyeen yaxaaska bilaabay iney kaligood ku macaansadaan hilibka mardoodiga, kaasoo ah xayawaan ay adagtahay in la ugaarsado, hase ahaatee ay hilibkiisa ku heleen geeri iska haleeshay.

Mareeg Media

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245