Saanad Milatari loo waday Xarakada Al-shabaab oo la qabtay ( Sawirada)

Read Time:33 Second

Ciidanka nabad sugida iyo Booliska maamulka Galmudug ayaa soo ku soo bandhigay saanad milateri oo loo waday xoogaga Al-shabaab ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Qalabkan oo ka koobnaa dareys ciidan iyo agab kale ayaa saarnaa gaari nooca xamuulka ah oo xalay laga qabtay bar koontorol oo ku taalla duleedka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha Qeybta Booliska gobolka Mudug G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa sheegay in la xiray raggii waday saanadan milateri baaritaano dheeri ahna ay ku socdaan.

“Qalabkan waxaa loo waday kooxda nabadiidka Al-shabaab ee ku sugan degmada Xarardheere haatana waxaa la wareegay ciidamada nabad sugida iyo booliska Galmudug” ayuu yiri Taliye Gadaar.qalab1qalab3qalab2

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.