
Shir jaraa’id uu goordhaweyd qabtay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Joon ayuu kaga hadlay Xaalad deg deg ah oo soo korortay.
Waxa uu sheegay inay Awood ku hor istaageen Shirkii Baarlamaanka Maanta yeelan lahaayeen kaas oo la rabay in Muddo kordhin Farmaajo iyo baarlamaanka ku sameystaan.
Taliye Saadaq Joon ayaa sheegay in Baarlamaanka wakhtigiisii ka dhamaaday sidaa awgeedna ay dib ugu laabtaan deegaanadii Xildhibaanada laga soo doortay.
Waxa uu hoosta ka xariiqay taliyaha in Awooda gaarka ah Ee Muqdisho Amnigeeda isaga leeyahay Wasiir Dubbe ayuuna si kulul ula hadlay isagoo yiri mar dambe wax laguu soo dhiibay kama hadli kartid.
Afgembi ayuu Saadaq Joon sameeyey marka loo eego warka uu shaaciyey goordhaweyd iyo inuu hor istaagay Baarlamaanka kulankii maanta yeelan lahaayeen.
Ra’iisal wasaare Rooble ayuu sheegay in awooda Dalka isaga uu leeyahay lagana sugayo inuu qaato doorkiisa xal deg deg ah uu ka gaaro doorashada sidii ay uqabsoomi laheyd.
Muqdisho-Somalia