Muqdisho, Mareeg.com: R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in khilaafka ka taagan gudaha dowladda uu yahay mid la abuuray. Saacid ma sheegin cidda khilaafka abuurtay.
Saacid ayaa warbaahinta maanta Muqdisho ugu sheegay in 3 todobaad ka hor isaga iyo madaxweynuhu ay ka wada hadlayeen qorshaha dowladda ee sanadka 2016 iyo wixii ka damnbeeya.
Sidoo kale, wuxuu sheegay Saacid in 3 todobaad ka hor golaha wasiiradu isku duubnaayeen, islamarkaana uusan kirin mooshin baarlamaanku qorsheynayey.
R/wasaare Saacid ayaa tilmaamay iney jiraan qaar ka mid ah golaha wasiirada oo qaba iney mesha ku harayaaan si fududna R/wasaaraha meesha looga saarayo.
Saacid ayaa sheegay ineysan habooneyn in maamulka dalka looga haro qolo gaar ah oo wata dano gaar ah.
R/wasaare Saacid ayaa maanta warbaahinta u akhriyey khudbad uu doonayey inuu baarlamaanka ka jeediyo, hase ahaatee baarlamaanku cod aqlabiyad leh ku diiday.
Mareeg.com