Muqdisho, Mareeg.com: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa maanta xilka ku wareejiyay Ra’iisul Wasaraha cusub ee dalka C/wali Sheekh, kadib xaflad ka dhacday aqalka Madaxtooyada Soomaaliya.
Xaflada xil wareejinta waxaa kazoo qeybgalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiiro ka tirsanaa Xukuumadii hore iyo Xildhibaano.
Waxaa xafladda xil wareejinta ka hadlay ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, wuxuuna sheegay inuu la shaqeyn doono Xukuumadda cusub ee dalka.
Saaciid ayaa tilmaamay inuu aad ugu kalsoon yahay Ra’iisul Wasaare Cabdi Wali inuu xilkiisa si wanaagsan ugudanayo.
Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka C/wali Sheekh oo halkaasi ka hadlay, ayaa dhankiisa sheegay inuu shaqada halkeedii kasiiwadayo, horumarada kala duwan ee dowladda ay ku tilaabsatayna uu sii dhaqaajinayo.
Wuxuu sheegay inuu muhiimada siinayo ammaanka dalka iyo sidii guud ahaan xasilooni looga dareemi lahaa cariga Dowlada ay maamusho.
Madaxweynaha Soomaaliya oo xaflada soo xiray, ayaa halkaasi ka sheegay in shacabka Soomaaliyeed uu ka codsanayo inay la shaqeeyaan Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka C/wali oo shaqooyin badan ay horyaalaan.
Wuxuu sheegay Madaxweynaha in caalamka marwaliba uu isbedel ka dhaco, sidaasi si lamid ahna Soomaaliya laga rabo inuu isbedel ka dhaco.
2-dii bishaan December ayaa baarlamaanka Soomaaliya u qaaday codka kalsoonida xukuumadda Raysul wasaarihii hore Saacid, waxeyna xukuumaddu weysay kalsoonida baarlamaanka.
Waxaa codeynta maalintaas ka qeybgalay 249, waxaana kalsooni kala laabashada Saacid u codeeyey 184, waxaa R/wasaaraha taageeray 65, ma jirin cid ka aamustay.
12-Bishan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xsan Sheekh Maxamuud soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka C/wali Sheekh Axmed Maxamed.
21-kii bishaan December ayaa Baarlamaanka si aqlabiyad leh ugu codeeyey raysul wasaaraha cusub Soomaaliya.
Kulanka baarlamaanka Soomaaliya ee maalintaas ayaa waxaa ka qeybgalay oo codeeyey 243 xildhibaan, waxaana codka kalsoonida R/wasaare C/weli Sheekh Axmed siiyey 239, waxaa diiday 2 xildhibaan, halka 2 kale kaa aamuseen.
Mareeg.com