Muqdisho, Mareeg.com: Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ee xilka ka tegaya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa yeeshay ayaa si buuxda u aqbalay markii labaad go’aankii golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ee uu gaaray taariikhdu markay aheyd 2-da bisha Dec. 2013.
Kulankan oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaarihii baarlamaanku kalsoonida kala laabtay Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa qodobada looga hadlay waxaa ka mid ahaa Arrimaha Amniga iyo ka doodista go’aanka uu kalsoonida kala laabtay Baarlamaanka Soomaaliya Xukuumada Federaalka
Gabagabada kulanka, ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” isaga oo sheegay in golaha Wasiiradu ay ka hadleen go’aankii golaha Baarlamaanku qaatay, isla markaana ay si buuxda u aqbaleen natiijada.
“Maanta waxaanu yeelanay kulfadhigii golaha, tan iyo markii uu soo baxay go’aanka baarlamaanka 2-dii bishan Disembar, waxaanu ka hadalnay sidii caadadu aheyd umuuro badan oo howlaha Qaranka quseeya, gaar ahaana go’aankii Baarlamaanka” ayuu yiri Saacid.
“Markii aanu dhinacyo badan ka eegnay, waxaa anigoo aad uga mahadnaqaya golaha Xukuumadu ay mar labaad ila garteen ilana ayideen inaanu taageerno, isla markaana aqbalno go’aanka Baarlamaanka, waana sidii aan hadda ka hor 3-dii bisha warqad aan u gudbiyay Gudoonka baarlamaanka iyo madaxweynahaba u gudbiyay” ayuu sidoo kale yiri Saacid.
“Inaanu u hogaansano go’aanka Baarlamaanka sharaf iyo taariikhbey noo tahay runtii” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha xilka ka tegaya Saacid.
Sidoo kale, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa u mahadnaqay Xubnaha golihiisa Wasiirada iyo dhamaamba hay’addaha dawliga ah sidii hufneyd ee ay ula soo shaqeeyeen intii uu xafiiska hayay mudada halka sano aheyd.
Ugu dambeyntiina, Saacid ayaa uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed, gudaha iyo dibadda taageeradii buuxday iyo kalsoonidii ay siiyeen xukuumadiisa mudadii ay shaqeyneysay, wuxuuna ka codsaday inay taageeraan xukuumada kale ee badali doonto, si loo helo dawladnimo iyo horumar.