Muqdisho, Mareeg.com: R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray xubnaha golaha wasiirada kadib markii uu maanta war uu soo saaray si rasmi ugu dhawaaqay in isaga iyo madaxweynuhu isku khilaafeen arrimo dastuuri ah.
R/wasaare Saacid ayaa la leeyahay wuxuu golaha wasiirada ka raadinayaa kalsooni maadaama khilaafka u dhaxeeya isaga iyo madaxweynaha oo raba inuu xilka ka tago uu cirka isku shareeray.
Kulanka R/wasaare Saacid la leeyahay golaha wasiiradda ayaa ah mid albaabadu u xiran yihiin, waxaana looga hadlaya khilaafka soo shaax baxay ee u dhaxeeya madaxweynaha iyo R/wasaaraha.
Saacid ayaa doonaya inuu ogaado inta ay la egtahay kalsoonida uu ka heysto xubnaha golaha wasiirada oo qaarkood laga cabsi qabo iney is casilaan haddii Saacid ku adkeysto inuusan is casiln.
Xafiiska madaxtooyada Soomaaliya ayaa arrintaan khilaafka afka ka xirtay oo aan marna ka hadlin.
Xildhibaanada oo maalmihii lasoo dhaafay hadalladoodu warbaahinta ku yaraa ayaa bilaabay iney kala taageeraan madaxweyne Xasan iyo R/wasaare, iyagoo taageeradooda sii marinaya warbaahinta Muqdisho.
Sahrciyqanaada dalka intooda badan ayaaa qab in khilaafka mar kasta soo kala dehx gala madaxweyneyaasha iyo R/wasaarayaasha uu sabab u yahay dastuurka dalka Soomaaliya oo siyaabo kala duwan u fasrimaya.
Mareeg.com