Mareeg.com: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda F. Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay qaar kamid ah Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Imaaradka Carabta ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya hoggaanka sare ee dalka Soomaaliya.
Saacid wuxuu ugu baaqay dhinacyada khilaafku u dhaxeeyo in ay dhowraan dowladnimada curdanka ah iyo danta guud ee qaranka, iyadoo muhiimadda la siinayo howlaha adag ee dalka u yaala gaar ahaan hiigsiga 2016 iyo gaarsiinta dalka doorashooyin xor ah sanadka 2016.
“Waxaan leeyahay dhammaan dhinacyadu ha raadiyaan xal khilaafka lagu dhamayn karo, Soomaaliya maanta uma baahna dib-u-dhac iyo khilaafaad horey ayaan usoo aragnay meesha uu na dhigay khilaaf aan xal laga gaarayn. Waxaa muhiim ah in la Tixgeliyo danta guud ee Soomaaliya lana fiiriyo dhibaatada baahsan ee dalka ka jirta maanta, Dowladda waxaa looga fadhiyaa dalka in ay gaarsiiso doorashooyin xor ah 2016”. ayuu yiri Saacid.
Saacid ayaa dhanka kale ka hadlay waxqabadkii Xukuumaddii uu hoggaamiyay ee mudada halka sano ah dalka maamulaysay iyo sidoo kale khilaafka u dhexeeya hoggaanka sare ee dalka, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.
Saacid ayaa ku dheeeray guulihii ay ka gaartay Xukuumaddii uu hoggaaminayey, wuxuuna sheegay in Xukuumadda uu majaraha u hayay ay gaartay mudadii halka sano iyo dhowrka bilood ahayd ee ay jirtay guulo la taaban karo, wuxuuna tilmaamay inay dowladdu horumar ka sameysay sida uu yiri dhinacyada arrimaha gudaha, arrimaha dibadda iyo adeegga bulshada.
R/wasaare Saacid ayaa baarlamaanka Soomaaliya wuxuu codka kalsoonida kala laabtay bishii Dcember ee sanadkii 2013, kadib markii ay isku dhaceen isaga iyo madaxweyne Xasan.
Hadalka Saacid ayaa kusoo beegmaya xilli R/wasaarihii isaga badelay uu miiska saaran yahay oo berri baarlamaanku ka shirayo in kursiga la tuuro iyo inkale, kadib markii sidoo hore oo kale ay is khilaafeen isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxammuud.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.