Saacid: Go’aan Kasta Ee Baarlamanku Gaaro Anagoo Ka Maqan Waa Malo Awaal

Read Time:1 Minute, 5 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa diiday eedaha loogu jeediyey mooshin maalmahaan horyaallay baarlamaanka Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska raysul wasaaraha ayaa lagu sheegay in eedeymaha mooshinka ku xusan ay yihiin kuwa aan xaqiiqda ku saleysneyn oo ay ka maqan tahay xog-ogaalnimo rasmi ah.

“Eedaymaha mooshinka ku xusan ee lagu dhudhuminayo kalsoonida xukuumadda, ma aha kuwo xaqiiqda dhabtaa ku salaysan, Waxaa maqan xog-ogaalnimo rasmi ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

Saacid ayaa baarlamaanka weydiistay in la siiyo fursad kale oo ay xukuumaddu isku difaacdo, wuxuuna intaas ku daray in go’aan kasta oo baarlamaanka ka soo baxa iyadoo xukuumaddu ka maqan tahay uu yahay mid mala awaal ah.

“Xukuumad ahaan waxaan golaha baarlamaanka ee sharafta leh mar labaad ka codsanaynaa in naloo ogolaado fursad nalagu dhagaysto si aan isaga difaacno eedaymaha naloo soo jeediyay”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare.

“Go’aan kasta oo la gaaro anagoo maqan waa mid ku dhisan malo awaal”ayuu sidoo kale yiri Saacid oo ay hadalkiisa ka muuqatay inuusan ku qanci doonin go’aanka baarlamaanku ka gaaarro arrintiisa haddii aan loo ogolaan inuu mudanayaasha hortago.

Hadalka R/wasaaraha ayaa yimid kadib markii manta baarlamaanka Soomaaaliya diiday codsi uu u diray oo la xiriiray in loo ogolaado inuu baarlamaanka tago oo isdifaaco.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %