Saacid: Dakhliga Dekedda Muqdisho Labo Jibaar Ayuu Kor U Kacay Muddo Sanad Ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Saacid: Dakhliga Dekedda Muqdisho Labo Jibaar Ayuu Kor U Kacay Muddo Sanad Ah

Muqdisho, October 30, 2013— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta kormeeray Bankiga dhexe iyo Dekedda Muqdisho, waxaana kormeerkiisan ku wehliyay Wasiirada Maaliyadda, Howlaha guud, Maxamud Xasan Suleyman, Arrimaha gudaha C/kariim Xuseen Guuleed iyo Warfaafinta C/llaahi Ciilmooge Xirsi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyntii kormeerkiisan ku tegay xarunta Bankiga dhexe ee Soomaaliyeed, halkaasoo uu kula kulmay madaxda Bankiga, isaga oo ka dhegeystay warbixin Maaliyadeedka dawladda iyo horumarka ay hiigsanayaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu kormeerkiisan soo gabagabeeyey warbaahinta u sheegay in ujeedada kormeerkani uu ahaa sanad kadib isbedelka dhaqaale iyo horumar ee ka jira illaha dhaqaalaha dawladda, wuxuuna xusay inay jirto isbedel iyo koboc dhaqaale oo aad u ballaaran.

R/wasaar Saacid ayaa sheegay in kormeerka manta uu uga gol lahaa in xukuumaddu iyadu isku qiimeyso wixii u hagaagay muddo sand ah, oo u dhaxeysa bishii October ee sanadkii 2012 ilaa October sanadkan 2013.

“Waxaan si fiican ugu kuurgalay isbedelka dhaqaale iyo horumar ee ka jira Bankiga dhexe iyo Dekadda, October 2012 iyo October 2013 ayaan isu miisaanay, waxaana ogaannay in dhaqaalaha dekaddu kor u kacay sanadkaan ilaa 172%” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Cabdi Faarax Shirdoon.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa xusay in ahmiyadda koobaad ee dawladda ay tahay sugidda amniga, balse ay muhiimad gaar ah siinayaan bobcinta dakhliga dawladda iyo maalgashiga.

“Maadaama Dekada Muqdisho ay tahay isha ugu ballaaran ee dhaqaalaha ka soo galo dawladda, waxaan ku talo jirnaa inaan iskaashi la sameyno shirkad Turki ah, si ay u ballaariso, u casriyeyso isla markaana maalgelin xoogan ugu sameyso” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay Maareeyaha Dekada iyo kuxigeenadiisa.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!