Muqdisho, Mareeg.com: R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo manta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaaa mar kale sheegay in khilaafka kala dhyaxeeya madaxweynaha uu salka ku hayo arrimo dastuuri ah.
Saacid ayaa Warbaahinta ka horjeediyay khubadii uu ugu talo galay inuu ka jeediyo Baarlamaanka Soomaaliya hortiisa ee loo diiday inuu tago xarunta Golaha shacabka ee Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa ugu horeyn soo bandhigay waxqabadka mudadii sanadka aheyd ee Xukuumadiisa ay jirtay, isaga oo sheegay in khudbadii uu ugu talo galay Baarlamaanka Soomaaliya hortiisa ee loo diiday inuu ka jeedinayo warbaahinta.
Khilaafka Madaxweynaha iyo isaga ka dhaxeeya ayaa wuxuu sheegay in marka uu sameeyay la tashiyo badan kadib uu u arkay in lagu xaliyo Dastuurka dalka Soomaaliya, maadaama dalka Dastuur uu leeyahay.
Saacid ayaa sheegay in qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada ay la safteen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
R/wasaare Saacid oo maalintii 3-aad baarlamaanku ka doodayo mooshin isaga ka dhan ah ah ayaa xildhibaanada ugu baaqay ineysan dad gaar ah gacanta u gelin maamulka dalk.
Wuxuu sheegay Saacid inuu aqbali doono natiijada baarlamaanka Soomaaliya, waxaana warkaan kusoo beegmay xilli shalay baarlamaanku u diiday inuu hortago oo khudbad u jeediyey.
Wuxuu ka hadlay khilaafka isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya ka dhextaagan, waxaana uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya khilaafaadka Madaxda dalka aysan biloow hada aheyn oo ay soo bilaabatay xilligii Dowladii C/qaasim oo ay isqabteen Ra’iisul Wasaarihii Cali Khaliif Galeyr.
Mareeg.com