Muqdisho, November 7, 2013: Ra’iasalwasaraha dalka ayaa xalay casho sharaf sagootin ah ugu sameeyey magaalada Muqdisho Ergadii ka qeyb gashay shirkii arrimaha Jubbooyinka Ee lagu soo gunaanaday Muqdisho, kadib markii shirkii ay ka qeybgaleen uu shalay soo idlaaday.
Munaasabada ayaa waxaa ka qeybgalay madaxda ugu sareysa dalka sida madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, R/wasaare Cabdi faarax Shirdoon, Wasiirro Xildhibaanno, iyo ergadii ka qeybgashay shirkii nabadeed ee Jubbooyinka oo shalay lagu soo gebagebeeyay Muqdisho.
Madaxweynaha iyo R/wasaaraha ayaa ku boorriyay ergada iyo shacabka Jubbooyinka iney si wada jir ah uga shaqeeyaan meel marinta hanaanka nabadda iyo hirgelinta go’aannadii ka soo baxay shirka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ergada uga mahad celiyey heshiiska shalay lgu saxiixday Muqdisho, isagoo kula dardaarmay in laga shaqeeyo danta guud.
“Waxaa nalaga rabaa inaan la nimaad biseyl, dulqaad, samir, is tixgelin iyo inaan danta guud ka horumarino danaha gaarka ah” ayuu yiri madaxweyne Xasan.
“Maamulka Jubba waxaa laga rabaa inuu tusaale u noqdo maamulada cusub ee soo socda, waxaana laga rabaa inuu shacabka deegaanka ka kasbado kalsooni, taasoo keeni karta in Dowladnimadeena, sharafkeena, wadajirkeena iyo karaamadeena uu hormuud ka noqdo” ayuu sidoo kale yiri madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya dooneyso iney dalka gaarsiiso marxalad uu kula tartamo dalalka caalamka, wuxuuna yiri “Aragtideena fog ayaa ah in dalka la gaarsiiyo marxalad uu kula tartarmo waddamada caalamka ah. Waxaan rabnaa Soomaaliya oo mid ah oo caalamka mug ku leh. Taasna waxey ku imaan kartaa wadajirkeenna iyo xal u helidda dib u heshiisiin waarta”.
“Waxaa na sugaya qorsheyaal badan oo ay ka mid yihiin dib u eegista dastuurka, dhaqangelinta federaalka, sameynta asxaabta siyaasadeed iyo dhammaan howlaha uu na farayo dastuurka KMG ah si aan 2016 u hirgelinno doorashooyin ka dhaca dalka” ayuu sidoo kale madaxweyne Xasan.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay iney jiraan caqabado badan, balse looga bixi karo isku duubnaan, wuxuuna yiri “Haddaba caqabado fara badan baa na wada heysta, waxaana uga wada bixi karnaa isku duubni, wadajir, iyo inaan danta guud ka horumarino danaha gaarka ah”.
Hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaan “Axmed Madoobe’’ oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa uga mahadceliyay madaxda dowlada sida ay uga go’antahay iney nabad ku soo dabaasho dalka, isagoo soo dhaweeyay go’annadii ka soo baxay shirkii nabadeynta shacabka Jubbooyinka.
Sidaan oo kale, waxaa horay ergadaas casho shara intii ay joogeen u sameeyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”, iyadoo xalay R/wasaare Saacid tii ugu dambeysay ee sagootinta aheyd u sameeyey.
Mareeg.com