R/wasaare Saacid Oo Si Horudhac Ah U Sheegay Tirada Golaha Wasiirada Cusub Ee Soomaaliya

Read Time:1 Minute, 32 Second

Muqdisho – (Mareeg.com): Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in Golihiisa Wasiirada Soomaaliya la gaarsiin doono ilaa 23 wasaaradoo, iyagoo hadda 10 wasraadood oo kaliya.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa la hadal hayey isku shaandheyn iyo kordhin lagu sameynayo golaha wasiirrada Soomaaliya, arrinkaas oo weliba Saacid horay uga dhawaajiyey.

R/wasaare Saacid oo wareysi siiyay Telefishinka Universal ee Soomaaliga ah ayaa sheegay in Golihiisa Wasiirada ay gaari doonaan ilaa 23-wasaaradood marka la ballaariyo.

“Golaha wasiirrada aan soo dhisayo waxay noqon doonaan 23 wasaaradood iyo in la mid ah, maalintii aan soo magacaabayay 10-ka wasiir xaalad ayaa jirtay, maalintaas sax bay ahayd in Soomaalida la simo, in dumar ay helaan xaqooda sax bay ahayd, balse maanta xaalad taas ka duwan ayaa jirta,” ayuu yiri ra’iisul waasare Saacid.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in sababta ay xukuumadda u ballaarinayaan ay tahay inay horyaallaan howlo fara badan oo ay qayb ka yihiin dib u dhis dalka lagu sameeyo saddexda sano ee howsha uga hartay iyo in Soomaaliya oo dhan nabad laga dhigo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku faanay inay maareeyeen khilaafaadka soo kala dhex geli jiray hey’adaha ugu sareeya dowladda, ee horay u ragaadiyay dowladihii hore.

Saacid ayaa ku faanay iney ka badbaadeen khilaaf soo kala dhexgalay hay’daha dowladda, arrinkaasoo oo caado u ahaa dowladihii ka horeeyey.

“Dowladihii naga horeeyay ee sharafta lahaa wey dadaaleen, balse ma aysan maareyn tafaraaruqa hayay, anaga waxaa sare u qaadnay inaan maareyno ka hortagida in aan wax khilaaf ah hey’adaha dowladda u soo kala dhex galo, waxaan rajeynaynaa in 2016 inaan si wada jir ah u gaarno madaxdeena”ayuu sidoo kale yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

R/wasaare Saacid ma sheegin xilliga la sameynayo isbadelka xukuumadda waxaase laga yabaa inuu yimaado wixii ka dambeeya dhamaadka shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka oo lagu wado inuu manta ka furmo Muqdisho.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %