Muqdisho, Mareeg.com: Raysul wasaaraha Soomaaliya ayaa qiray in khilaaf kala dhaxeeyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo warkaas shalay soo shaac baxay.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa lagu sheegay in khilaafka ka dhex aloosan labada mas’uul uusan ahayn mid siyaasadeed, balse la isku hayo arrimo dhinaca dastuurka ah.
R/wasaare Saacid ayaa sheegay qoraalka xafiiskiisa kasoo baxay ku sheegay in khilaafka looga gudbi karo ku dhaqanka dastuurka qaranka.
Saacid ayaa xusay in xal u helidda is-maandhaafka dastuuriga ah ee u dhaxeeya isaga iyo madaxweynaha ay leeyihiin xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliyeed.
Raysul wasaare Shirdoon ayaa faray hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa ammaanka inay xoojiyaan howlahooda shaqo, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ku kalsoonaadaan madaxdoda qaranka.
War-saxafaadeedka Saacid ayaa lagu sheegay in sanadkii ay jirtay xukuumadda uu hogaamiyo R/wasaaruhu la gaaray guulo badan oo dhinacyo badan leh.
Warka kasoo baxay Xafiiska R/wasaare Saacid oo lagu sheegay wargeli ku socota umadda Soomaaliyeed ayaa u qorneyd sidan:
12 Nofeembar 2013
Wargalin Ra’iisul Wasaaraha ee ku Socota Ummadda Soomaaliyeed
Waxaa xusid mudan in bishaan November 2013, ay tahay sanadguuradii kowaad ee dhismaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Inkastoo marxalad adag iyo caqabado badan ay jireen hadana muddada kooban ee halka sano aheyd oo ay dawladdeena dhisneyd waxay gaartay guulo waaweyn iyo waxqabad muuqda gaar ahaan dhinaca amniga, dib-u heshiisiinta, maamulka iyo kobcinta dakhliga dawladda, waxbarashada, xoojinta siyaasadda arrimaha dibada, dhismaha haykalka dawladda iwm.
Inkastoo waxqabadka iyo hormarka aan kor ku xusay iyo wadashaqeyn waanaagsan ay ku dhammaatay sanad-guuradii kowaad, anoo ka xun waxaan ku wargalinayaa ummadda Soomaliyeed in uu dhab yahay is-maandhaafka la maqlay oo ka dhaxeeya aniga iyo Madaxweynaha. Is-maandhaafkaas ma’ahan mid siyaasi ah ee waa mid Dastuuri ah, xalkiisuna waa fahamka iyo ku dhaqanka Dastuurka Qaranka.
Waxaan ka codsanayaa ummadda Soomaliyeed iney ku kalsoonaadaan Madaxdooda iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ayagu leh mas’uuliyadda kowaad ee xal u helidda is-maandhaafkaan.
Ugu dambeyn, maadaama ay horyaalaan wadanka marxalado adag gaar ahaan dhanka amniga, waxaan farayaa hay’adaha dawladda oo dhan in ay wataan howshooda qaran, siina laba jibbaaraan adkeynta nabadda iyo habsami u fulinta howlahoodaa. Sidoo kale, waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed iney sii xoojiyaan doorkoodi ku aadanaa wadaninimada, nabadda, iyo hormarka dalka.
DHAMAAD
Ahmed Adan
Warbaahinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho – Soomaaliya