Muqdisho, Mareeg.com: Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Carbdi Faarax Shirdoon ayaa maanta ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda deegaanka KM-50 ee gobolka Shabeellaha Hoose.
War kazoo baxay xafiiska raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa lagu sheegay in dagaalka labada maalmood ee lasoo dhaafay ka socday Nambar 50 ay yihiin kuwo nasiib darro ah.
“Aad ayaan uga xumahay dagaalka ka dhacayay No. 50 labadii maalmood ee u dambeysay, waana dagaal ay waxyeello ka soo gaartay dad shacab ah madaama dushooda lagu dagaallamay,” ayuu yiri raysul wasaare Saacid.
Saacid ayaa ku baaqay in wada-hadal lagu dhammeeyo khilaafka, isagoo dhinaca kalena tacsi u diray qoysaska ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka oo galay maalintii labaad.
R/wasaare Saacid ayaa ka digtay in sii socoshada dagaalka uu wiiqi karo awoodda dowladda iyo dadaalkii Alshabaab looga saarayey deegaanada weli gacanta ugu jira.
Mareeg.com