R/wasaare Ku Xigeen Fowziyo Oo Ka Warbixisay Shir Ay Kala Qeybgashay Golaha Amaanka

Muqdisho – (Mareeg.com): Ra’isul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam oo maalmahaan ku sugneyd xarrunta Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam ayaa ka warbixisay safarkeedii New York ee dalka Mareykanka, iyadoo sheegtay in waxyaaba muhiim u ah Soomaaliya ay ka soo baxeen shirkii ka dhacay magaaladaasi oo ay yeesheen xubnaha joogtada ah ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ku aadan horumarinta ciidamada.

Ra’isul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in sedex cisho ay joogeen magaalada New Yor ee xarunta Qaramada midoobay, islamarkaana ay kala hadlayeen mas’uuliyiinta ka socotay xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka sidii loo kordhin lahaa ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya, si ay u kordhiyaan weerarada ka dhanka ah Alshabaab iyo in la tayeeyo Ciidamada Soomaaliyeed.

Waxay intaas raacisay in goluhu uu si weyn uga dooday sidii dhanka ammaanka iyo ciidamadda looga taageeri lahaa Soomaaliya, taasina la isla gartay sida ay tiri.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midboobaya ayaa todobaadkii hore ka dooday qorshe lagu kordhinayo ciidamada AMISOM ee Soomaaliya joogay si ay Alshabaab uga qabsadaan goobo cusub.

Mareeg.com