R/wasaare C/weli oo tababar u furay shaqaalaha wasaaradda cadaaladda & arrimaha dastuurka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

R/wasaare C/weli oo tababar u furay shaqaalaha wasaaradda cadaaladda & arrimaha dastuurka

Muqdisho – Mareeg.com: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta xarunta Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka ka furay simnaar aqoon kororsi ah oo loo qabanayey Shaqaalaha Wasaaradda, Siminaarka ayaa waxaa ka soo qayb galay kaabayaasha Garsoorka, sida Ciidanka Asluubta, Garyaqaanada, Nootaayooninka, iyo Garsoorayaal.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caddaaladda iyo Dastuurka mudane Cabdullahi Bille Nuur ayaa ugu horayntii ka warbixiyey ahmiyada uu leeyahay Siminaarkaan shaqaalaha Wasaaradda si kor loogu qaado xirfada shaqaalaha, waxaana wasaaraddu diyaarisay qaab dhismeed uu shaqaalaha Wasaaradu ku dhisan yahay si loo hormariyo habsami u socodka shaqada Wasaarada, qof walbana lagula xisaabtamo shaqadiisa.

Sidoo kale wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka mudane Faarax Sheekh Cabdulqadir ayaa dhankiisa sheegay in culays weyn uu ka jiro dhanka garsoorka, ayna jirto baahiyo badan oo shacabku u qabaan inay helaan garsoor Caddaalad ku dhisan.

“Labadii bilood ee ugu danbeeyey Wasaaraddu waxay ku howlanayd sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta shaqaalaha iyo diyaarinta agabkii ay ku howl gali lahaayeen, waxaana wasaaradu markii ugu horaysay mudooyinkii ugu danbeeyey dib u dhis ku samaysay iyo qalabayn xafiisyadii Wasaaradu lahayd. Garsoorka waxaa naga haysta culays faro badan oo ka imanaya bulshada qaybaheeda kala duwan, xalna looma heli karo hadii aan la siin tababaro shaqaalaha Wasaaradda” ayuu yiri Wasiirak Cadaalada iyo Dastuurka

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Cabdiwali ayaa sheegay in baahida ugu weyn oo ay maanta qabaan shacabka Soomaaliyeed ay tahay sidii muwaadin kasta u heli lahaa Garsoor ku dhisan caddaalad.

“Ahmiyada caddaladdu u leedahay bulshada waa mid ku dhisan noloshooda, waana mid qayb weyn ka qaadan karta nabadgalyadda, horumarka dhaqaalaha, iyo kalsoonida bulshad dhexdeeda, hadii garsoor la waayo waxaa hubaal ah in sida loo kala xoog badan yahay laysku muquuniyo, si aan uga baxno dhibaatooyinka dalka la degay waxaa laga maar maan ah in caddaladii dib loo soo celiyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in caddaladdu ay kor u qaadayso kalsoonida ay shacabku ku qabaan dowladnimada, loona baahan yahay dadka ku howlan arrimaha caddaaladda in la tayeeyo aqoontooda is loo helo garsoor ku dhisan caddaaladda, waana inaan dhexda u xiranaa sidii aan u heli lahayn garsoor hufan oo dadku ku kal soonaan karo.

DHAMAAD

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!