R/wasaare Cabdiweli oo Uganda uga qeybgelaya shir ku saabsan aabaraha iyo biyo-yarida * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

R/wasaare Cabdiweli oo Uganda uga qeybgelaya shir ku saabsan aabaraha iyo biyo-yarida

Kampala – Mareeg.com: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ka qeybgalaya shirka ka hortagga abaaraha ee dalalka ku bahwadaagta IGAD, waxaana shirkan oo furmay 24-kii bishan looga hadlayaa sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha iyo biyo yaraanta ka jirto degaanada baadiyaha ee dalalkan, si looga hortago abaaraha ka so bilowda biyo yarida iyo daaq la’aanta.

Shirkan ayaa waxaa labadii cisho ee la soo dhaafay u fadhiyay khubaro iyo guddiyo farsamo kuwaasoo sii diyaarinayay qorsheyaasha shirka, waxaana maalinta berri ah oo ay taariikhdu tahay 26-ka la filayaa inay si rasmi ah u fariistaan Wasiirada dalalka IGAD ee qaabilsan abaaraha, beeraha iyo xanaanada xoolaha, waxaana la filayaa inay ka doodaan qodobo badan oo ay ka mid tahay sidii loo heli lahaa ceelal iyo Waro-biyoodyo iyo sidoo kale dhulal Daaqsnineed loona kobcin lahaa dhirta iyo daaqa.

Maalinta kama dambeysta ah ee 27-ka bisha ayaa la filayaa inay shirkan soo afmeeraan madaxda iyo hogaamiyeyaasha dalalka ku bahoobay IGAD, waxaana la filayaa in laga soo saaro go’aano wax ku ool ah oo looga gaashaamanayo musiibooyinka abaaraha iyo nabaad guurka degaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada ayaa sheegay in shirkani uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalka Soomaaliya maadaama ay ka jiraan abaaro iyo biyo yari, wuxuuna xusay in go’aanada kasoo baxa ay si dhaqso leh u saameyn doonaan degaanada Soomaaliya, isla markaana ay ka faa’iideysan doonaan mashaariicda qodista ceelasha, dhismaha goobo Waro-biyoodyo ah iyo sidoo kale kobcinta dhirta iyo daaqa.

Faafin: Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!