R/wasaare Cabdiweli oo la shiray qaar ka mid ah warbaahinta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

R/wasaare Cabdiweli oo la shiray qaar ka mid ah warbaahinta

Mareeg.com: R/wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa xalay Muqdisho kulan shiray qaar ka mid ah weriyaasha ka howlga caasimadda. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Mustaf Cali Dhuxulow.

Kulanka ayaa looga hadlay sida warbaahintu u taageero karto howlaha xukuumadda Soomaaliya, iyadoo dhawaan la xiray labo ka mid ah idaacadah Muqdisho iyo milkiilihii lahaa C/maalik Yuusuf.

Wariyeyaasha kulanka goob jooga ka ahaa ayaa iyana Ra’isul wasaaraha u gudbiyay cabasho ay qabeen oo aheyd in uu saameeyo mararka howlgalada ay jiraan, waxaana ay codsadeen in arrimahaasi wax laga qabto.

Sidoo kale, weriyaasha ayaa R/wasaaraha kala hadlay arrinta wariye Maxamed Aweys Muudey “Boqorka Bartamaha” oo ka mid ah wariyeyaasha Soomaaliyeed, kuna xiran xabsi ku yaala dalka Ethiopia islamarkaana ay codsanayaan in Xukuumadda ay wax ka qabato.

Sidoo kale, weriyaasha la kulmay R/wasaaraha ayaa kala hadlay xiritaanka Radio Shabeelle iyo SKY FM iyo qaar ka mid ah madaxdii labadaas idaacadood.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa balanqaaday in ay wax ka qabanayaan waxyaabaha ay ka hadleen wariyeyaasha, waxaana uu ka codsaday in saxaafadda ay ka shaqeeyaan horumarka iyo xoojinta amniga dalka, waxaana sidoo kale uu balan qaaday in uu u Socdo Ethiopia uuna daba gali doono waxa uu ku xiran yahay Wariye Aweys Muudey.

Sidoo kale, C/weli Sheekh ayaa sheegay in arrimaha Radio Shabeelle iyo SKY FM u yaallaan hay’adaha amaanka iyo garsoorka.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa ka warbixiyay kulanka, isagoo sheegay in kulankaasi Isfahan uu ku soo dhamaaday, waxaana ka wasaarad ahaan uu tilmaamay in ay dhiira galineyso waxyaabihii laga wada hadlay, uuna ka rajeynayo in saxaafadda ay dhaqan galin doonto.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.