R/wasaare Cabdi Weli & wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Jowhar * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

R/wasaare Cabdi Weli & wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Jowhar

Jowhar – Mareeg.com: Raysul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee xarrunta gobolka Shabeellaha Dhexe.
Raysulwasaareha iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyey xarrun loogu talagalay, waxaana la filayaa inuu kulamo la yeesho maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe iyo bulshada.
Wafdiga ra’iisalwasaaraha oo ku tegey dayuurad helicopter ah magaalada Jowhar ayaa waxaa ku soo dhoweeyay guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cabdi Jiinow Calasow.
Ra’iisal wasaaare Cabdiweli ayaa kula kulmay hoolka shirarka gobolka Sh/dhexe qeybaha kala duwan ee bulshada waxana uu ra’iisal wasaaruhu ka hadlay ujeedada booqashadiisa iyo qorshaha ay dowlada federalka ee gobolka Sh/dhexe.
Wafdiga ra’iisal wasaaraha oo ay ka mid ahaayeen wasiirka amniga qaranka, wasiirka beeraha, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo saraakiil kale ayaa waxa ay booqasho ku tageen wabiga Shabelle gaar ahaan deegaanka Moyko.
Waa markii ugu horreysay ee Raysul wasaare C/weli booqasho ku tego magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, tan iyo markii xilkaas loo magacaabay.
Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!