R/wasaare Cabdi Weli: Cadowgu wuxuu doonayaa daadinta dhiig badan oo shacab inta aan afjarin

Read Time:1 Minute, 18 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed ayaa weerarkii qaraxa gaari ahaa ee maanta lala beegsaday baar laga cunteeyo oo ku yaalla agagaarka Baar FIAT ku tilmaamay mid kooxo ka horjeeda nabadda ay ku daadinayaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Raysulwasaare Cabdi Weli Sheekh ayaa war-saxaafadeeduu soo saaray u dhignaa sidan:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa fal foolxumo iyo fuleynimo ah ku tilmaamay qaraxii ay maanta ka fuliyeen kooxaha nabadiidku maqaaxida laga cunteeyo ee ku taala isgoyska KM-Zero ee u dhexeysa degmooyinka, Shangaani, Shibis iyo Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, weerarkaasi oo ay ku nafwaayeen dad rayid ah oo goobta ku sugnaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday qaraxaasi. Wuxuuna ilaahay uga baryay dadkaasi in uu ka waraabiyo janadiisa fardowsa, intii ku dhaawacantayna u rajeeyey caafimaad deg  deg ah.

“Beegsida argagixisada ee goobaha shacabka, waxaa ay astaan u tahay dhamaadka waqtiga kooxdan caadaysatay daadinta dhiiga shacabka, dawladduna wey u diyaar garowday sidii loo siffeyn lahaa nabad-diidka, loona baajin lahaa dhiiga shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo ka hadlay falkii qaraxa ahaa ee saaka lala beegsaday maqaaxida ku taala isgoyska KM-Zero.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaasi ku daray: “Waxay cadowgu ka warhayaan in la gaaray xilligii la soo afjari lahaa, waxayna go’aansadeen in ay sii daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed. Waxaan u sheegeynaa kuwa soo maleegay iyo kuwa fuliyay fal dembiyeedkan in lala xisaabtami doono, falalka noocan oo kale ah marnaba nagama hakin doonaan talaabooyinka aan ku cirib tireyno nabadiidka.”.

-DHAMAAD- 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.