R/wasaaraha Yemen & wasiirka arrimaha debadda Soomaaliya oo ku shiray Sanca * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

R/wasaaraha Yemen & wasiirka arrimaha debadda Soomaaliya oo ku shiray Sanca

Mareeg.com: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Cabdurraxmaan Ducaaley Beyle ayaa maanta kula kulmay Magaalada Sanaa ee Caasimadda dalka Yemen Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Khaled Mahfud Bahah oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha qaxootiga iyo iskaashiga walaalnimo ee u dhaxeeya labada shacab.

Wasiir Beyle waxa uu kala hadlay Ra’iisul wasaaraha Yemen, kordhinta deeqaha waxbarasho ee la siiyo ardayda  Soomaalida  iyo xoojinta dadaalada lagu cirib-tirayo kooxaha argagaxisada iyo burcad badeeda ee dalalka Soomaaliya  iyo Yemen dhibaatooyin ba’an u kala geystay.

Ra’iisul wasaaraha Yemen, Khaled Bahah ayaa muujiyay xushmadda uu u hayo mowqifka Soomaaliya ay ka taagan tahay u saldhigidda amniga, nabadgelyada iyo ilaalinta midnimada Yemen.

Khaled Bahah waxa uu taageeray geedi socodka nabadda iyo federaaleynta ee ka soconaya dalka Soomaaliya, isagoo rajeeyay in guul  uu ku dhammaado hiigsiga cusub ee 2006 ee Soomaaliya u qorsheysan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu booqaday Rugta Ganacsiga Yemen iyo Xarun goboleedka  isdhaafsiga macluumaadka badda, waxa uu sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Kaluumeysig, Fahd Salem Kefayen.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!