Mareeg Media
Somalia

RW Somalia oo la kulmay Wafdi British & Xubno la socday

90

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay agaasimaha guud ee siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibadda Boqortooyada Ingiriiska, Richard Moore.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Richard Moore ayaa kulankooda uga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood iyo taageerada Ingiriisku dowladda  ka siiyo tababarrada ciidanka iyo qorshaha ciidanka Soomaaliyed ay kula wareegayaan amniga dalka.

Kulanka Ra’iisul Wasare Xasan Cali Khayre iyo Richard Moore waxaa qayb ka ahaa safiirka boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Ben Fender.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ka teegeerta tababarrada ciidanka, dhismaha xarumaha tababarrada iyo qorshaha fog ee ciimadama amniga Soomaaliya ay ciidanka AMISOM ugala wareegayaan mas’uuliyadda amniga guud ee dalka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!