RW Somalia oo ka qeyb galay Aas loo sameeyay hooyadda dhashay Guddoomiyaha Golaha Shacabka + Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

RW Somalia oo ka qeyb galay Aas loo sameeyay hooyadda dhashay Guddoomiyaha Golaha Shacabka + Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiiradda ayaa ka qeyb galay Aas Qaran oo maanta Magaalada Baydhabo loogu sameeyay Marxuumad Maama Haajira Cali Aadan oo ah Hooyadda dhashay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Mohamed Mursal Sheikh.

Sidoo kale waxaa Goob Joog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur galbeed oo uu ugu Horeeyay Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed, Gudoomiyaha Barlamaanka Koonfur galbeed iyo Xubna katirsan Wasiiradda Koonfur galbeed iyo odayaal dhaqameedyadda Magaalada iyo Eheladda Marxuum Maama Haajira.

Aaska ka dib mas’uuliyiinta, waxgaradka,Odayaasha Dhaqanka, iyo Culimadii ka qeybgashay Waxaa kulan duca Ah loogu sameeyay madal loogu tala galay dadkii Ka soo qeyb galay duugta Marxuum Maama Haajira, waxaana ay Alle uga Baryeen In Janatull-fardawsa uu ka Waraabiyo

Allaha  u Naxariisto maalinimadii shalay ayay magaaladda Baydhabo Ku geeriyootay waxaan maanta Axad ah aas Qaran loogu Sameeyay Magaaladda Baydhabo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!