RW Rooble oo kulan xasaasi ah oo la qaatay Madaxda Warbaahinta Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

RW Rooble oo kulan xasaasi ah oo la qaatay Madaxda Warbaahinta Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxda qeybaha Warbaahinta ee ka howlgala caasimadda iyo gobolada dalka.

Kulankaasi, waxaa R/wasaaruhu uu kaga waramay muhiimadda ay leeyihiin warbaahinta, gaar ahaan xilligan adage e uu dalku ku jiro u diyaargarowga doorashooyinka, isagoo ku boorriyey in ay xoojiyaan doorkooda ku aadan wacyiginta bulshada.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abokor Dubbe, iyo ku xigeenkiisa C/raxmaan Yuusuf Al-Caddaala ayaa sidoo kale ka  qeybgalay kulankaasi.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay inta badan Madaxda warbaahinta Magaalada Muqdisho, waxaana Madaxda uu Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyey sida wanaagsan ay u abaqleen dalabkii isaga kaga yimid.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.