RW Rooble oo daah-furay Hay’ad ka shaqeyneysa Arrin muhiim u ah shacabka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

RW Rooble oo daah-furay Hay’ad ka shaqeyneysa Arrin muhiim u ah shacabka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta daah-furay Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo ka shaqeyn doonta hubinta tayada, ilaalinta badeecadaha iyo cuntooyinka dalka soo gala.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tilmaamay muhiimadda ay u leedahay hay’addan bulshada, taasoo mas’uul ka ah dajinta siyaasadaha, dhaqangelinta sharciyada iyo habraacyada lagu hubinayo badqabka iyo tayada caafimaad ee cuntooyinka iyo badeecadaha.

“Dalkeennu waxa uu noqday meel lagu soo guro waxyaabha dhacay sida cuntooyinka, daawooyinka iyo iwm , laakiin maanta oo ay taariikhdu tahay 27 March, 2021 waxaan haysannaa halbeegyo lagu hubinayo dhammaan waxyaabahaas aan u baahanahay in tayadooda la koontaroolo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayay munaasabadda daahfurka hay’adda Tayo-dhowrka Sooaaliyeed.

Waxa uu Rooble ku boorriyay ganacsatada in ay u hoggaansamaan halbeegyada tayo-dhowrka, si loo ilaaliyo tayada badeecooyinka kala duwan ee dalka la soo galinayo, isagoo shacabkana ugu baaqay in ay feejignaadaan oo ay iska hubiyaan tayada cuntooyinka iyo badeecooyinka kala duwan ee ay iibsanayaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wasaaradda Ganacsiga ku bogaadiyey shaqada adag ee hirgelinta hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, isagoo xusay in ay ka tarjumayso kartida iyo dadaallada miro-dhalka ah ee lagu tallaabsaday.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.