RW ku xigeen Maxamed Cumar Carte oo dhaawaciisa loo qaaday dalka Turkiga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

RW ku xigeen Maxamed Cumar Carte oo dhaawaciisa loo qaaday dalka Turkiga

Mareeg.com: Ra’iisul wasaare ku xigeenka Somalia, Maxamed Cumar Carte oo ka mid ahaa dadkii shalay ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Central Hotel ee Muqdisho ayaa maanta loo duuliyay Turkiga si loogu soo daweeyo.

Dhaawaca ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa lagu qaaday diyaaradda Turkish Airlines oo Muqdisho timaadda, iyadoo xubnihii la dhaawacmay ay ku jiraan isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaasoo weli lagu daweynayo.

Wax badan lagama oga caafimaadka RW ku xigeen Maxamed Cumar Carte, inkastoo ay dowladda Soomaaliya sheegtay in dhaawaciisu yahay mid fudud.

Wararka ayaa sheegaya in dhaawaca muuqda ee gaaray RW ku xigeen Maxamed Cumar Carte, hase ahaatee uu qaraxu gaarsiiyey jug.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!