RW Kheyre oo magacaabay Wasiiro cusub (AKHRISO)

Read Time:33 Second

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa waxaa uu Maanta Magacaabay saddex ka mid noqonaya golaha Wasiirada Soomaaliya,kuwaas oo xilalkooda ay banaanaayeen.

Wasiirada uu Maanta Ra’iisul Wasaare Kheyre Magacaabey ayaa waxaa ka mid ah  Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac xilkaas oo uu ka geeriyooday Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxaa loo Magacaabay Xildhibaan Sadiiq Warfaa halka Xildhibaanad Fowsiya Maxamed Sheekh loo Magacaabay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.

Magacaabista uu Maanta sameeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kusoo xilli uu ku wajahan yahay Magalada Washinton ee dalka Mareykanka halkaas kula kulmi doona Madax ka socota Hay’adda IMF iyo Bangiga Aduunka.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.