RW Kheyre oo kulan la yeeshay Taliyeyaal Ciidan (AKHRISO)

Read Time:34 Second

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre ayaa Maanta kulan deg deg ah isugu yeeray Mas’uuliyiinta Taliska Ciidanka xoogga dalka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Daahir Aadan Cilmi(Indha-qarshe) iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed( Amar-Dambe) iyo mas’uuliyiin kale.

“Waxaan maanta guddoomiyay shir aan isugu yeeray Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasaaradaha Gaashaandhigga & Maaliyadda oo aan uga hadleynay dib-u-habeynta ciidamada iyo howlgallada socda ee ka dhanka ah argagixisada ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa Taliyaha xoogga dalka iyo Wasiirka Gaashaandhigga farey in la dardar geliyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %