RW Kheyre oo kulan deg deg ah ugu yeeray Taliska AMISOM

Read Time:32 Second

Xasan Cali Kheyre , Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federalka Soomaaliya ayaa waxa uu kulan deg deg ah isugu yeeray Taliska Howlgalka AMISOM oo Dowladda ka taageera Amniga iyo ladagaalanka Alshabab.

Taliska sare ee AMISOM ,Ra’iisul Wasaaraha iyo qaar Kamid ah saraakiisha Ciidamada xooga dalka ayaa kulankan ku lafaguri doono qorshaha Taliska Ciidanka xooga dalka u diyaariyay , ladagaalanka Alshabab iyo sidii looga saari lahaa deegaanada ay ka arrimiyaan.

Sidoo kale kulankan ayaa lagu falanqeyn doonaa Amniga Muqdisho iyo sidii loo adkeyn lahaa.

Baaqa Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxuu ku soo aadayaa kadib markii maanta Xoogaga Al Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya.

 

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %