
Munasabad uu maamulka gobolka Banaadir soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,kaas oo uu ujeedkiisu ahaay mid lagu muujinaayay ahmiyada uu lee yahay barnaamijka isxilqaan oo uu horey ugu dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si iskaa wax uqabsa ah ay dalkooda ugu dhistaan,
Sidoo kale waxaa munaasabadan ka qeyb galay Wasiiro iyo Xildhibaana katirsan DS duqa Magaalada Muqdisho siyaasiyiin ururada haweenka iyo dhallinyarada fanaaniin iyo qeybaha bulshada rayidka,
Xildhibaanad Canab Xasan Cilmi oo munaasabada ka hadashay ayaa la dardaarantay dhallinyarada Soomaaliyeed,
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ( Eng: Yariisow) waxa uu sheegay in maamulka gobolka iyo Shacabka Caasimadda kunool ay ka go’an tahay horumarinta magaalada,
Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa tilmaamay in barnaamijka isxilqaan uu yahay mid lagu doonayo in umada Soomaaliyeed ay markale gacmaheeda ku dhisato dalkooda,
Ra’isul wasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre waxa uu sharxay muhiimada qaranka iyo dalkaba u lee yahay barnaamijak Isxilqaan.