RW Kheyre oo gaaray Magalada Washington

Read Time:42 Second

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo wafdigii uu hoggaminayey ayaa waxaa ay gaareen Magalada Washington ee dalka Mareykanka halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Ra’iisul Wasaaraha oo shalay gelinkiii hore ka ambabaxay Magalada Muqdisho ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya, guddoomiyaha Cusub ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya ee aan xilka weli la wareegin, Wasiirka Qorsheynta iyo Wasiirka Maaliyadda.

Booqashada uu Ra’iiisul Wasaare Kheyre ku tegay Mareykanka ayaa ka duwan safaradii hore,waxanaa uu ka qeyb geli doonaa shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya,kaas oo xooga lagu saari doono deyn cafiska, isaga oo shirkaasi khudbad ka jeedin  doono.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu kulan la qaadan doonaa inta uu ku sugan yahay Mareykanka lamaha iyo hay’adaha dalka Mareykanka,iyaga oo ka wada hadli doono arrimaah dhaqaalaha iyo xiriirka labada dal.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %