Mareeg Media
Somalia

RW Kheyre oo furay Shirka Xanaanada Xoolaha

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay shir looga hadlayo meel marinta Istaraatiijiyadda horumarinta xannaanada xoolaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo howl wadeennada wasaaradda xannaanada xoolaha uga mahad-celiyay dadaalka ay geliyeen sameynta istaraatiijiyadda ayaa sheegay in horumarinta iyo xanaanaynta xoolaha ay qayb muhiim ah ka yihiin hagaajinta dhaqaalaha dalka iyo yaraynta saboolnimada.

Istaraatiijiyadda xanaanada xoolaha dalka oo ay diyaarisay wasaaradda xannaanada xoolaha oo la tashiyada la sameysay wasaaraha dowlad gobaleedyada ee xannaanada xoolaha ayaa waxa ay saldhig u noqoneysaa hannaanka horumarinta xoolaha dalka oo qayb ka ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dalka.

Shirka lagu meel marinayo istaraatiijiyadda xanaanada xoolaha dalka oo soconaya mudda sedax maalin ah ayaa waxaa kasoo qayb galaya wasiirrada xanaanada xoolaha ee dowlad gobaleedyada, maamulka gobalka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale

Shirka lagu meel marinayo istaraatiijiyadda xanaanada xoolaha dalka oo soconaya mudda sedax maalin ah ayaa waxaa kasoo qayb galaya wasiirrada xanaanada xoolaha ee dowlad gobaleedyada, maamulka gobalka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!