Mareeg Media
Somalia

RW Kheyre oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

14

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay Ra’iisul-Wasaaraha Soomaaliya , Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo muddooyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

RW Kheyre ayaa u joogay Kismaayo sidi uu isugu soo dhaweyn la haa Dowlada Federaalka iyo Maamulka Jubaland.

Waxaa uu kulammo kala duwan lasoo qaatay mas’uuliyiinta ugu sarreeysa maamulka Jubbaland, Saraakiisha Ciidamada, Duubabka dhaqanka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!