RW Kheyre oo Danjire Keating kula kulmay Muqdisho

Read Time:36 Second

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan  Cali Kheyre, ayaa kulan la yeesha Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya Magaalada Muqdisho.

Mudane Kheyre iyo Keating ayaa ka wada hadlay arimo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen amniga, siyaasada, dhaqaalaha iyo horumarada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Danjire Keating ayaa waxuu sheegay kulankooda uu ahaa mid diirada lagu saaray xaalada siyaasadeed ee Dalka.

Waxaa uu intaasi ku daray in muhiim ay tahay laga shaqeeyo xasiloonida Dalka Soomaaliya, iyadoo xusid mudan in khilaafyo siyaasadeed ay hareeyeen Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Sikastaba, Qaramada Midoobay ayaa ballan qaaday in dadaallo xoogan ay ku bixin doonto sidii loo xalin la haa khilaaf walba oo soo ifbaxa, waxaana ay shaacisay in wax walba loo baahan yahay in lagu xaliyo wada hadal.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %