RW Kheyr oo safar deg deg ah ku tagaya Dhuusamareeb * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

RW Kheyr oo safar deg deg ah ku tagaya Dhuusamareeb

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maalmaha soo socda ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Diyaarad sida ciidamo gaar ah ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo ay ka dagto magaalada Dhuusamareeb, kuwaasi oo hor dhac ah u wafdiga Ra’iisal wasaaraha ee ku wajahan Dhuusamareeb sida la sheegay.

 

U jeedka Khayre ayaa lagu sheegay u kuur gelida siday u socdaan howlaha geedi socodka dhismaha maamulka Galmudug iyo soo xulista Baarlamaanka labaad ee maamulka Galmudug, kuwaas oo dooran doono guddoomiyaha Baarlamaanka, madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.

Horey Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa tiro laba jeer ah uu tegay Dhuusamareeb,isaga oo wada-hadallo la yeeshay hoggaanka Ahlusunna oo saluugsanaa habka dowladda u wado dhismaha Galmudug walow markii dambe la xaliyey.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!