RW hore Kheyre oo ku dhawaaqay War niyad jeb ku ah Madaxweyne Farmaajo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

RW hore Kheyre oo ku dhawaaqay War niyad jeb ku ah Madaxweyne Farmaajo

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa doorashooyinka iyo sida uu u maamulayo ku dhaliiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kheyre ayaa sheegay in sababta uu Xafiiska uga tegay iyo wixii uu ka digayayba ay soo baxeen sidaas darted ayuu tilmaamay in aan dalka laga qaban Karin doorasho aan la isku raacsaneyn dhibaato iyo in 1991-dii loo laabtana laga dhaxli karo.

Dhinaca kalana waxa uu sheegay in aysan aheyn Siyaasiyiintu in ay ka fakaraan xil-heynta 4-Sano ee soo socota ee waaa in ay laga fakaraabuu yiri 4-Sano ee soo socda si dalka loo hormariyo.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa barlamaanka fedraalku kalsoonida kala laabteen kadib markii lagu eedeeyay Xukuumaddiisii xilgudasho la’aan.

Waxa ay u muuqataa Xasan Cali Kheyre in uu muujinayo dul-duleelada xukuumaddii uu la soo shaqeyay muddo 3-Sano ah isaga oo ku tilmaamay in ay madaxtooyadu xukunka isku dhejineyso.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More