RW Cumar: Waxaa la gudagelayaa dhismahaa maamulka Hiiraan & Shabeellaha Dhexe

Mareeg.com: Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in Xukuumaddu ay dadaal ugu jirto dhismaha maamul ay yeeshaan gobolada Hiiraan iyo Shabelaha Dhexe.

RW Cumar ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu ay ku dedaaleyso ka mira dhalinta shirka Cadaado ka socda ee maamul loogu sameynayo bulshada degta Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Ra’iisul wasaare Cumar ayaa xusay in shirka ka socda magaalada Cadaado uu rajo weyn ka qabo inay ka soo baxaan maamul ay u dhanyihiin bulshada gobollada Mudug iyo Galgaduud ku nool.

“Maamul u sameynta Gobollada Dhexe waa ay socotaa, waad ogtihiin shirka waxa uu ka furmay Cadaado, guul ayayna xukuumadda u tahay in shirku furmo cadaado waayo waqti ayay nagu qaadatay, waxaana rajeynaynaa in waqti dhaw ay wax ka soo baxaan, waxaana noo qorsheysan in aan guda galno dhismaha maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda ay ahmiyadda koowaad siineyso xoojinta amniga, isagoo shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan xukuumadda.

“Xukuumad ahaan ahmiyadda koowaad waxa ay tahay sugidda amniga, oo ay bulshada ka shaqeysan karaan gudaha dalkooda, dadka bulshada u horseeday inay qaxaan, dowladda gacan bir ah ayay ku qabaneysaa, Ummadda waxa ay ku qanci doonaan sida aan amniga u sugno, haddii aysan shacabka dowladda la shaqeyn, dowladda kaligeed wax ma qaban karto, marka waxaan markale shacabka ka codsaneynaa inay la shaqeeyaan xukuumadda, si loo soo afjaro dhibaatada kooxaha xagjirka ah ee ay u geysanayaan bulshada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Hadalkan ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmaya, iyadoo ay socdeen kulamo wada tashi ah, kaasoo laga yeelanayay arrimaha maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245