RW Cumar oo xukuumadda cusub maanta horgeynaya baarlamanka Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

RW Cumar oo xukuumadda cusub maanta horgeynaya baarlamanka Soomaaliya

Mareeg.com: R/wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Calid Sharmarke ayaa maanta xukuumadiisa cusub ee 27-kii bishaan uu magacaabay horgeynaya baarlamaanka Soomaaliya.

RW Cumar ayaa baarlamaanka Soomaaliya weydiisan doona iney codka kalsoonida siiyaan xukuumadda cusub ee ka kooban ilaa 20 wasiir.

Gudoonka baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ku wargeliyey xildhibaanada inuu maanta jiro shirka baarlamaanka Soomaaliya oo RW Cumar uu horkeeni doono golaha wasiirada cusub ee magacaaban.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa diidan xukuumadda cusub, iyagoo aaminsan iney ka buuxaan rag dhalinyaro ah oo ay masraxa keeneen wasiiro ay horay u diideen in xukuumadda lagu soo daro.

Xildhibaan C/caziiz Sheekh Yuusuf oo ka mid ah xildhibaanada diidan xukuumadda cusub ayaa sheegay inuu dalka ka socdo dagalaa siyaasadeed, uuna dagaalkaasi socon doonto inta sida uu yiri ay dadka qaar rumeysan yihiin iney awooda leeyihiin.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaabiyay booqshadiisii magaalada Addis Ababa iyo ka qeyb galkiisa shir madaxeedka Midowga Afrika ee shalay halkaas ka furmay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay maqribkii ku soo laabtay magaalada Muqdisho, iyadoo soo laabashadiisa oo aheyd mid deg deg ah ay ka dambeysay markii Gudoonka Baarlamaanka uu shaaciyay in maanta oo taariikhdu tahay 31-Janaayo la horgeynayo Xukuumada uu dhowaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu xalay kulamo la qaatay qaar ka mid ah xildhibaanada, si uu ugu ololeeyo in Xukuumada codka kalsoonida la siiyo.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!