RW Cumar oo sheegay in dowladda Soomaliya la wareegeyso qarashka shirka Dhuusa Mareeb * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

RW Cumar oo sheegay in dowladda Soomaliya la wareegeyso qarashka shirka Dhuusa Mareeb

Mareeg.com: Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu balan qaaday in Dowladda ay bixineyso qarashka ku baxaya Shirarka dib-u-heshiisiinta beelaha ee Goboladaas ka socda.

RW Cumar C/rashiid oo shalay tegay Dhuusamareeb oo xalay la kulmay maamulka gobolka Galgaduud iyo odayaasha ka qeybgelaya shirka dib u heshiisiinta ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda ay taabo gelineyso dhameystirka shirka dib-u-heshiisiinta, isagoo intii soo agaasinta uga Mahadceliyay qabsoomidda shirka.

“Waxaan rabaa in aan idinkaga Mahadceliyo sidii aad noo soo dhaweyseen, dowladda waxa ay mas’uuliyad qaadeysa taabo gelinta shirka, waxaan bogaadinayaa duubabka iyo intii ka qeyb qaadatay qabsoomidda shirka” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo ka hadlayay kulanka ayaa ka warbixiyey degmooyinka weli ka maqan gacanta maamulka.

Cirfo ayaa sheegay in degmooyinka Ceeldheer iyo Galhareeri ay ka maqanyihiin gacanta dowladda, waxaana uu xusay in gobolka ay ka dhaceen faldambiyeedyo ay gacan ka geysteen Al-Shabaab, sida uu yiri.

“Mudane Ra’iisul wasaare waxaa noo qorsheysan in deegaannada ka harsan gobolka aan dib ula wareegno oo aan ka sifeyna cadowga Ummadda ee Shabaab, waxaana rabnaa in arrintaasi gacan nalagu siiyo” ayuu yiri Cirfo.

Wasiirka Arrimaha gudaha, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa sheegay in shirka dib-u-heshiisiinta uu gacan ka geysan doono dhismaha Maamulka Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

“Dad wada heshiiyay ayaa nidaam sameysta, marka waxaan bulshada ka codsanayaa inay xoojiyaan dadaalka ku aadan sidii loo xalin lahaa, isla markaana dib-u-heshiisiin dhab ah loo dhex dhigi lahaa bulshada degta Gobollada Mudug iyo Galgaduud” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!