RW Cumar oo looga digay wasiiro afar ah oo muran ka taagan yahay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

RW Cumar oo looga digay wasiiro afar ah oo muran ka taagan yahay

Mareeg.com: Xukuumadda uu soo wado RW Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa markale wajaheysa culeys kadib markii xildhibaano horleh shalay dalbadeen inaan lagu soo darin 4 nin oo xildhibaano horay u hadlay magacayadoo xuseen.

Xildhibaanada ku shiray Muqdisho ayaa usoo jeediyey RW Cumar inuusan xukuumadda cusub kusoo darin, Faarax Sheekh C/qaadir, C/kadiirmn Xuseen Guuleed, C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Xuseen Cabdi Xalane.

Mudanayaashan ayaa sheegay in ragaasi afarta ah ay qeyb weyn ka ahaayeen murankii siyaasadeed ee lagu riday xukuumaddii hore, aysan habooneyn in dib loo soo celiyo.

Qaar ka mid ah ragaas ayaa sabab u noqday in RW Cumar la laabto xukuumad uu soo dhisay 12-kii bishaan Janaayo maadaama baarlamaanku miijiyey inuusan ansixi doonin inta ragaasi ku jiraan wasiirada, waxaana jira warar sheegay in ragaas qaarkood lagu soo dari doono xukuumadda cusub ee dib u habeynta lagu sameynayo.

Haddaba aqkhri qodobada ay soo jeediyeen xiuldhibaana ku shiray Mqudisho. Riix Warqadda si muuqaalku u weynaado

war-murtiyeed

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!