RW Cumar oo ku baaqay joojinta colaada ka jira Hiiraan & Mudug * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

RW Cumar oo ku baaqay joojinta colaada ka jira Hiiraan & Mudug

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke, ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaallada ku soo noq noqday qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan iyo deegaano hoostaga degmada Xarar-dheere, kuwaas oo ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay dagaalladaas kuwo nasiib darro ah oo xiligan ay dadka Soomaaliyeed ka soo kabanayaan colaadaha, iyagoo u jihaystay dhanka nabad ku wada noolaan shaha.

“Maanta goballada dalka waxaa ka socda shirar isugu jira dib-u-heshiisiin iyo dhismaha maamullada gobollada, waa nasiib darro in taas ay bar-bar socoto dagaal beeleedyo dhaawici kar kalsoonida shacabka wada dagan, waxayna abuuri kartaa xasillooni darro kusoo kororta deegaanka. Waxaan ku baaqayaa in miiska wada xaajoodka laysugu yimaado, lagana waantoobo in dagaaladaas sii socdaan, dowladduna waxay qaadaysaa tallaabo kasta oo lagu xakamayn karo colaadahaas soo noq noqday” ayuu yiri Cumar C/rashiid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in dagaallada iyo khilaafyadu ay soo kordhinayaan oo kaliya barakac, xasilooni darro iyo maatada oo ku dhimata. “Waxaan kula talinayaa qaybaha dagaalladu ka dhexeeyaan in ay si dhaqsa ah u joojiyaan iyagoo fiirinaya qasaaraha ka dhalan kara dagaaladaas” ayuu yiri RW.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu dambayntii baaq u diray waxgaradka ka soo jeeda deegaanadaas in ay wadahadal ku dhameeyaan colaadda isna cafiyaan si loo helo xal iyo nabad ku wada noolaasho dhex marta dadka soomaaliyeed ee walaalaha ah.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!